Roobab mihigaan ah  oo ka bilaawday xalay saqdii dhexe ayaa wali ka da’aya magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw waxaana lagu soo waramayaa khasaare kala duwan oo ay geysteen roobabkan.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Saameynta Ugu Weyn Eee Roobkan Waxaa Dhaxlay Dadka Barakacayaasha Ku Nool Qeybo Ka Mitte Ah Magaalada Muqdisho, Kuwaa Oo Markii Horeba Deganaa Guryo Ka Sameysay Cooshado Aan Awood und Laheyn Adeysiga Dibicda Roobka.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan dad ku dhintay roobabka da’aya gaar qof ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay degmada Xamar-weyne guri ku soo dumay, sidoo kale degnada Boodheere ayaa la sheegayaa in Labo Carruur ah ay qaadeen daadad ka dhashay Roobka.
Isku socodka dadka iyo gadiidka degmooyinka qaar magaalada ayaa go’ay, kaddib markii ay jidadkii loo mari lahaa ka sameysmeen biyo fadhiisnno waaweyn.
Waddada Maka Al-Mukarama oo ka mid ah jidadka ugu mashquulka badan caasimada maanta waxaa aad u kooban dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gadiidka.
Wali roobabku waa ay da’ayaan inkastoo aysan u xoog badneyn sidii saacadihii aynu soo dhaafay.
SomaliSwiss          Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.