Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga, taliyaha ciidamada Booliiska iyo kan Aslubta Soomaaliyeed ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaanna dulleedka ka xiga.
Ra’iisal wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka Mitte ah saraakiisha ciidamada dowladda ee xarumihii uu booqday, kuwaa oo soo bandhigay baco lagu soo xiray Beyrud la sheegay in der laga farsameyey qaraxyadii xalay laga maqlayay qeybo ka mid ah Muqdisho.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle oo Kormeerka Kaddib Warbaahinta La Hadlay Ayaa Sheegay Ra’iisal Wasaaruhu Kormeer Shaqo Ku Tagay Qeybo Ka Mitte Ah Magaalada, Isaga oo Shacabka Ugu Laab-Qaboojiyay in Amnigu Wanaagsan yahay.
“Kormae shaqo oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha ayaan caawa sameynay, waxaan ka bilownay Saldhiga Karaan ilaa Galgalato, marka waxaan shacabka und sheegayaa inay ku hatoonaadaan dowladooda iyo ciidankooda, dadka falalka amni dinar sameynayo looma dulqaadanayo, talaabo sharci ah ayaa laga qaadi donaa, hadii uu alle idmo. “
Kormeerka ra’iisal wasaaraha ayaa u muqqda mid lagu dhiiri-galinayo ciidamada howlgalka ku jira io shacabka Soomaliyeed oo qaba baqdin ah weerarro ay geysan karaan Al-shabaab inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.