Madaxweyne Farmaajo oo dadweynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan u Diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweynaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay  in la iscafiyo oo la isku naxariisto islamarkaana la is caawiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka wax haysta in ay afuriyaan bishan barakeysan ee Ramadaan kuwa kale ee aan waxbo haysan.

Dhinaca kale Guddoonada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wadaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: