Advertisements

Wasiirada arrimaha dibedda Carabta oo berri Khamiista ah kulan ka yeelanaya xaalada murugsan ee Falastiin.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa qaban doona kulan degdeg ah Maalinta Khamiista ah si ay kaga hadlaan dhibaatada Isra,iil ay ku hayso dadka rayidka ah ee reer  Falastiin.

Sida ay xaqiijiyeen ilo Diblomasiyiin ah kulanka ayaa xooga lagu saari donaa sidii looga hortagi lahaa weerarada Isra,iil ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta ah, islamarkaana wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta waxay mowqif mideeysan ka qaadan donaan go’aankii Maraykanka uu amarka ku bixisay in safaaraddiisa uu u raro magaalada barakeysan Qudus.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa ku dhawaad 60 qof oo falastiin ah ay ku dileen ciidamadda Isra,iil intii ay socdeen mudaharaadyada ka dhanka ah  furitaankii Safaaraddii Mareykanka ee magaalada Qudus.

Talaadadii Golaha Ammaanka ee QM ayaa qabtay kulan ay kaga hadlayeen dhacdooyinka Qudus iyo faragalinta caalamidaga ah ee lagu haya dadka reer Falastiin, ugu horeyna kulanka aya ku bilowday daqiiqado aamusnaan ah oo ka dhigan in ay ka xun yihiin waxa ka dhacaya dhulka Falastiin.

Inta  uu socda kulanka degdega ah ee wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in Dowladda Kuwait ay soo gudbiso qaraar qabya ah oo Golaha Ammaanka ee QM ugu baaqaya in aay mas,uuliyad ka saarantahay ilaalinta dadka rayidka ah ee reer Falastiin.

Dhanka kale weerarada Isra,iil ay ku haysa dadka Falastiiniyiinta ayaa beryahii danbe sii xogeeystay kadib markii ay ka dhiidhiyeen damaca Mareykanka ee ah in Safaradiisa Yahuudda uu u soo raro magaalada barakeysan ee Qudus.

SomaliSwiss      Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: