Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay Dalka Qadar, taasoo qaadatay muddo Laba Cisho ah.
“Waxaan soo gabagabeeyay booqashadii aan ku joogay Dalka aan Walaalaha nahay ee Qadar, waxaanan hadda kusii jeedaa Dalkeyga, wada hadalladii na dhex maray aniga iyo Walaalkay Ammiirka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxay ahaayen kuwo mira dhal ah oo kusoo dhammaaday guul” Ayuu Yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Mudane Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa Dowladda Qadar iyo Shacabkeeda und Muhad celiyay soo dhaweyntii diirranayd ee ay du sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdigiisa Oo ka Soo Ambabaxay Magaalada Doxa Ee Caasimadda Dalka Qadar, Ayaa Waxaa und Weyn usoo Sagootiyay Masuuliyiin ka Tirsan Dowladda Qadar, Iyadoo Lagu Wado in Saacadaha soo socda Uu Madaxweynuhu Soo Gaaro Muqdisho.
SomaliSwiss Doxa
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.