Hay’adda lacagta Adduunka (IMF) oo Sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleystay horumarada dhaqaalaha.

IMF.jpg3Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenia Ayaa Waxaa Ka Dhacay Kulan Ai Isugu Yimaadeen Wafdi Ka Socda Dowladda Sooomaaliya Oo Uu Hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdka ka socoday.

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF, kulankaasi oo daba socda dadaalada dowladda Soomaliya deymaha looga cafinayo, sida lagu sheegay qoraal ay soo saaraty IMFta.

Labada dhinaca Ayaa Kawada hadlay horumarada dhinaca dhaqaalaha ah iyo isbedelada kajira Soomaaliya, iyo hirgelinta waxyaabihii Horey Looga heshiiyay ee ahaa shuruudaha Keeni kara in Soomaaliya laga cafiyo deymaha islamarkanaa y hesho kaalmo caalami ah, taasi oo wasiirka Maaliyadad Soomaaliya uu Horey UGA dhawaajiyay in ay hayaan dadaalkeeda iyo in dalka laga cafiyo deymaha und lacago cusubna loo soo daaboco.

Waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda C / raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday xafiisyada madxtooyada iyo Xukuumadda.

Wafdiga ka socday hay’adda lacagta adduunka IMF oo uu hoggaaminayay Mohamad Elhage ayaa ku ammaanay dowladda Sooomaaliya dadaalkeedi ku aadan buuxinta shuruudihii looga baahnaa ee nidaamka caalamiga ah, isagoo xusay in dowladdu ay ku guuleisysato islamarkaana ay buuxisay qodobka sedaxaad ee xeerka u yaala IMF, si dowladdu ay und hesho wadiqooyin sahlaya deyn cafiska.

Waxaa und Sheeeen in Soomaaliya ay horumar ka gaartay horumarinta dhaqaalaha dalka, qaadista lacagaha canshuuraha ee gudaha, dhismaha hay’adaha, io qorshaha lagu doonayo in Soomaaliya und ku soo daabacato lacag cusub oo dalka uu yesesho.

Hay’adda IWF ayaa sheegtay dadaal kasta lagu bixinayo sidii kaalamka uu taageeri lahaa qorshaha Sooomaaliya ay ku donayso in ay ku soo daabacato lacago cusub oo Shillin Soomaaliya ah, taasi oo qeyb ah shuruudaha lagu xirey dowladda islamarkaana guulo lataaban karo laga gaarey.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: