Saaka oo dagaal culus ka bilaawmay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool….

dagaalWar naga soo gaaray Saakay Subaxnimadii hore ayaa sheegaya in dagaal laysku adeegsanayo hubka waaweyn uu ka bilaawday deegaanka Tukaraq oo Laascaanood Bari uga beegan 52Km.

Dagaalka CXDSDagaalkan oo ka soconaya dhinacyo badan ayaa dad ku sugan deegaanka Tukaraq waxaa ay Hiiraan Online u sheegeen in wali duqaymaha madaafiicda iyo qoryaha lidka diyaaradaha laga maqlayo halkaa.

“Ma sheegi karayo wax dhacay waxaan keliya oo kuu sheegi karaa in dagaal socdo welina wax is-bedel ah oo muuqdaa ma jiro, waxaase jira cabsi naga haysa dagaalka sidaa waxaa sheegay qof ka tirsan dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cali Jaamac.

Magaalada Laascaanood oo maanta uu ka dhici lahayd dabaaldega 18May ayaa laga cabsi qabaa in uu saameeyo dagaalka.

SomaliSwiss               Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: