FAALLO: 15-ka May waa maalinta xusuusta dad waddaniyiinta ah ee Soomaaliyeed.

Dhalinyaradu waa laf dhabarka bulshada, xilliga dhalinyaranimaduna waa marka ugu haboon ee qofka Looga faa’iideysto maskax ahaan iyo mururq ahaan, horumarka dalkastana waxa uu ku xiranyahay Sida loo horumariyo aqoonta iyo wacyiga dhalinyarada.

Sanadkii 1943 ayeey aheyd markii dhalinyaro Soomaliyed ay dareemeen dhibaatooyinka gameysiga kadibna ay si geesinimi lehuu dhawaaqqe ururkii SYL, iyagoo adeegsanayay tab iyo xeelad kasta oo la isaga dulqaadayay heeryada gameysigii reer Yururb.

Xisbigii Legada (SYL) waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah „Somali Youth League“, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah „Lega dei Giovani Somali“.

Fikrad kasta oo keenta horumar waxaa bilaabae qof ama koox. Fikradda lagu as’aasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo mudan in si gaar ah loo xuso, kuwaas oo AAD u fiira dheeraa islamarkaana lahaa Dareen wadiniyadeed oo ku qutoma Soomaalinimo.

Magacyada 13-ki dhallinyarada ahaa ee as’asay SYL waxey kala ahaayeen.

1-Yaasiin Xaaji Cismaan

2-C / qaadir Sheekh Saqaawadiin

3-Maxamed Cismaan baarbe.

4-Maxamed Faarax Hilowle.

5-Sayidiin Xirsi Nuur.

6-Maxamed Cali Nuur.

7-Daahir Xaaji Cismaan

8-Xaaji Maxamed Xuseen

9-Khalif Hiidoow Macalin.

10-Cismaan Geedi Rage.

11-Dheere Xaaji Dheere.

12-Maxamed Cabdala Xayeysi.

13-Cali Xasan Cali Barduuro.

Dhalinyaradaasi ayaa aas’aastay ururkii SYL sanadkii 1943-dii kadib markii ay ka dhiidhiyen hagardaamooyinka gameysiga, waxeyna nasiib und yeesheen in halganki ururki SYL uu sabab u noqdo in dalkeena uu madaxbanaani buuxdo qaato 1960-kii.

Haddaba dhalinyarada wadaniyiinta ah ee aas’aastay ururka SYL waxey nooga tagen dhaxal aan duugoobin iyo tariikh aan marnaba ka tirmeyn quluubta ummadda Soomaaliyeed, waxeyna ku qoranyihiin diiwaanka lagu keydiyo taarikhda Soomaaliyeed baalashiisa dahabiga ah.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa ine ku daydaan dhalinyaradii aas’aastay ururka SYL kana soo horjestaan ​​afkaaraha wachs duminaysa sida qabyaalada iyo xagjirnimada, islamarkaana und ku dadaalaan sidii dalkeena looga saari lahaa dhibaatada si ay taariqda uga galaan baal dahab ah.

Sidoo kale waxaa habboon in dhalinyaradu aysan ku dhiirran tahriibta iyo ka qeyb qaadashada fal kasta oo Liddi ku ah horumarka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay dadaallada dowladda Federaalka eek u wajahan wacyigelinta iyo shaqo u abuurista dhalinyarada Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Waxaa Qoray. Mowliid Maxamed Sabriye

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: