Advertisements

Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya iyo Qatar oo maanta kala saxiixday heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi….

Wasiarada Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Drs Fawziya Abakar Nuur ayaa Heshiis iska io Wax sabo saxiixatay Wasiarada Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Katar Dr. Xanaan Maxamed Al kawaari.

Heshiiskaan Oo Mudo Bada Laga Soo Shaqaynayay Oo Kol Hore Ay Labada Wasaaradood Isugu af Garteen ist Fahan Loo Badalay Heshisis Ayaa Maanta Sagu Horsaxiixay Madaxwayanaha Jamhuuriyada Soomaaliya Iyo Amirka Katar.

Heshiiska ayaa wuxuu ku qotomaa iskaashi xagga tayaynta iyo tababarada howlwadeenada cafimaima, sare u qaadidda tayada adeegyada isbitaallada io baahinta gurmadka deg degga ah io wax ka qabadka cudurrada faafa.

Sidoo kale heshiiska wuxuu Soomaaliya ka saacidayaa in la HELO xarumo caafimaad oo bixiya adeegyo tayo leh iyo sidoo kale wuxuu Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ka caawinayaa in ay yeelato awoodda fulinta gurmadka deg dagga ah, tayanta isbitaalada Guud ee Dalka, qalabaynta xarumaha lagu daaweeyo bukaanada iyo hirgalinta mashaariic Iyo adeegyo cafimaad oo hor le gud ahaan laga hirgelinayo dalka.

Waxaa la filayaa in Gudiyo farsamo oo isku dhaf ah ay ka wada shaqeeyaan hirgalinta heshiiskan sidoo kalena ay yeseshaan qorshe hatules lagu fuliyo heshiiskaan taarikhiga ah.

Heshiiskaan wuxuu qayb ka yahay qorshayaasha guud oo ay Wasaaradda Caafimaadka Soomsaliya ka leedahay baahinta iyo fulinta daryeel caafimaad oo leh tayo, kobcinta iyo sare und qaadidda aqounta iyo xirfada shaqaalaha cafimaima Soomaaliya.

 

SomaliSwiss Doxa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: