Advertisements

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ist ein wafdiuu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magalaada Dooxa ee caasimadda Katar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garouka Diyaaradeha Caalamiga ah ee Hamad Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Katar Mudane Jassim Sayf Ahmed Al Sulayti, Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Katar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawggala Safaaradda.

Madaxweyne Farmaajo inta uu kuu sugan yahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa Amirka Dowladda Katar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oa ka wada hadli doonaa xiriirka labada dal iyo sidii lu sii xoojin lahaa.

Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggooda ah.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaiadidka Badda Marwo Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abikar Nuur, Wasiirka Qorşheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

SomaliSwiss Doxa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s

%d bloggers like this: