Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la horgeynaya sharciga Shirkadaha dalka.

Baarlamaanka´Fadhiggii ay maanta yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay Xildhibaanada Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.

Waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Ajandaha ayaa la sheegay in lagu daray sharciga shirkadaha (Company Law), waxaana la filayaa in dooda hindise sharciyeedkan uu qaato maalmo, islamarkaana ugu dambeyn la ansixiyo.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo ku saabsan hidise sharciyaadka weydiiyay Wasiirka wasaaradda Ganacsiga oo joogay fadhigii mudanayaasha baarlamaanka ee maanta.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka  Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xildhibaanada u sheegay in aysan ka maqnaan kulamada Golaha, maadaama golaha howlo badan ay horyaalaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddoonka golaha ay isla garteen in la dayactiro xarunta golaha shacabka.

Dhinaca kalena Guddoomiyuhu wuxuu aad u amaanay howlaha gudiyada golaha, waxaana ugu dambeyn guddoomiyaha uu ka codsaday xildhibaanada In ay ilaaliyaan waqtiga kulamada guud ee golaha maadaamaa howlo badan ay golaha horyaalaan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: