Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire David Concar ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa magaaladda Muqdisho, waxaana ay ka wada hadleyn qodobo badan oo ay ka mid aheyd siddii dawladda Britain ay u kordhin laheyd taageerada iyo tababarka Ciidan ee ay siiso Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, ayaa sheegay in dawladdiisa diyaar ay u tahay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka caawiso taageerada iyo tababarada Ciidanka, ayna si wanaagsan ula shaqeyn doonaan Booliska.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska sida mar walbo ay u garab taagan tahay Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.