Gaas iyo Keating oo ku kulmay magaalada Garoowe

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe kulan kula qatay danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating.

Sidoo kale Kulanka ayaa  waxaa joogay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta reer Miyiga, Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Caddaalada io Arrimaha Diinta iyo saraakil ka tirsan madxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxeyne Gaas Oo Kulanka Kaddib Warbaahinta La Hadday Ayaa Sheegay in Ay Soo Dhaweynayaan Booqashada Uu Danjire Michael Keating Ku Yimid Magaalada Garoowe.

Waxaa sharaf wayn noo awa maanta in uu halkaan nagu soo booqdo wakiilka xog-hajaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating oo aysan ahaihn markiiu horeysay eeuu noo yimaado, marar badan ayuu halkan noogu yimaadey, runtii markasta oo uu noo yimaado wanaagbay no tahay anaga, sababtoo ah waxaan ka hadalnaa arrimo muhiim u ah puntland iyo Soomaaliyaba, waxaan maanta ka wada hadalney geedi socodka nabaddda Soomaaliyeed, waxaan ka wada hadalanay arimaha nabad gelyada iyo amniga dalka, waxaan kawada hadalna arimaha siyaasada, horumarinta iyo sidii Soomaaliya horey ugu socon lahayd.

Dabcan shaqadiisa caadiga ahayd oo dalka meela badan oo kamida uu ku tagi jirey ayey ahayd, anagana wanaag bucht no ahayd, waxaa soo wareagtay lix bilood markii ugu danbeysay ee uu noo yimaado,markaa wixii isbadal ahaa ee dalka ka dhacay baa ugu muhiimsanaa iyo muhiimada ay leedahay Federaalisimka iyo dastuurka, arimahaasna kuli waan kawada hadalnay, markaa guul bucht noohayad wadahadal kayaguna wuxuu ahaa mid ku dhacay jawi wanaagsan “ayuu yiri madaxweynaha Pntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Danjire Michael Keating Oo Hadal Kooban La Wadaagay Warbaahinta Ayaa Uga Mahad Naqay Madaxweynhaa Puntland Klanka Uu Kula Qaatey Xafiiskiisa Islmarkaana Ku Bogaadiyey Puntland Horumarka ay Sameysay Mudaddii Ay Jirtay.

 Sidoo kale Keating ayaasheegay in madaxweyne Gaas ka wada hadleen arrimaha siyaasada Soomaaliya, Amniga golokka iyo taaba- galinta dumuqraadiyada oo uu sheegey in dhamaantood leysku afgartay.

Madaxweyne Gaas Ayaa Ugu Danteyntii Sheegay in Looga Baahan Yahay Qaramada Midoobey Iyo Beesha Caalamkaba in AY und Dhow Ula Socdaan Xaalada Soomaaliya, Islamar’ahaantaa Taakulooyinka Iyo Gar-Gaarka Binuaadanimada ee So Soyalaliya soo Gaarsiiyan und Dhex-Dhexaadnimo Ah Loo soo Gaarsiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

SomaliSwiss Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: