Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ka hadashay fatahaada Wobiyada dalka Soomaaliya.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Oo Ka Hadashay Fatahaada Wobiyada Dalka Soomaaliya Ayaa Sheegtay in Iaa 695.000 oo QoFa Qiysaastii Ku Barakacay Daadad Ka Dhashay Roobab Lixaad Leh Oo Sababay Fatahado Ka Dhacay Dalka Soomaaliya Qaybo Ka Mid ah, Sida Aaaa Shaegtay in Kaabaima Adduunka ee WHO.

War ka soo baxay WER, ayaa sidoo kale lagu sheegay in maalmihii dhawaa oo kaliya ay guryahooda ka barakaceen ku dhawaad ​​215.000, Qof, daadad ka dhacay Gobollada Bakool, Banaadir, Baay, Hiiraan, Jubbaada, Jubbada dhexe iyo Shabeellada dhexe.

Dadkan ayay hay’addu sheegtay inay si ° Grad ah ugu baahn yihiin Hooy, Teendhooyin, adeeg Caafimaad, Cunno, Biyo nadiif ah, Musqulo, Mara Kaneecayaal iyo aalado kale oo ka saacidi kara nadaafadda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale ka digtay goobaha ay fatahaadaha ka dhaceen iyo meelaha Biyo fariisiga leh inay ka dhashaan Cudurro ay ka Mitte yihiin, Daacuun Caloolaha, Duumada iyo xanuunno kale oo ay sababaan Biyaha wasakhaysan.

Sidoo kale Hay’addu iyadoo kaashaneysa wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ayeey Wer dhawaan 30.1 Ton oo Dawo ah geysay Magaalooyinka Balad weyne, Baydhabo iyo Kismaayo oo ah goobaha ugu daraay ee ay qayla dhaantu kasoo yeereyso, waxaana weli soonaya dedaallo gurmad oo dhan walba leh oo ay wadaan hay’adaha sama falka iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Genf

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: