Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday saldhigyada ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kormeeray xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, guddoomiyaha golokka Banaadir, Saraakisha Ammaanka iyo mas’uuliyiin kale.

 
Ra’iisal wasaare Kheyre waxaa uu halkaa ku arkay cidan Boolis ah oo heegan uu jira adkeynta Nabad gelyada.
 
Sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa xarunta Booliska xalay waxaa ay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyaggoo ciidamada Ammaanka faray in gacan bir ah ay ku qabtaan ammaanka, ayna u naxariistaan Dadka Shacabka ah.Muqdisho, iyaggoo ciidamada Ammaanka faray in gacan bir ah ay ku qabtaan  ammaanka, ayna u naxariistaan dadka shacabka ah.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: