Xafladda caleema saarka Gudoomiyaha golaha shacabka oo maanta ka dhacday Muqdisho.

Caleema saar.jpg1Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay Xafladdii lagu caleema saarayey Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Max’ed Mursal Sheekh waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Wafdi ka socday Baarlamaanka dalka Jabutri, safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar iyo safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar.

Caleema saar.jpg2Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeybgalay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Gal-mudug iyo Hir-shabeelle, Gudoomiyeyaasha goleyaasha shacabka dowlad goboleedyada, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf , ayaa madasha ka hadlay ayagoo ugu baaqay mudaneyaasha baarlamanka dalka in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Caleema saar.jpg3Dhammaan masuuliyiintii kala duwanayd ee khudbadaha ka jeediyay madasha ayaa kula dardaarmay mudaneyaasha baarlamanka in ay ka shaqeeyaan wadajirka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed islamarkaana ka fogaadaan wax walba oo keeni kara kala qeybsanaan.

Gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka Mudane Max’ed Mursal Sheekh ayaa uga mahadceliyay madaxda qaranka iyo marti sharaftii kale ee kasoo qeybgashay munaasabadda, isagoo xusay in uu waajibaadkiisa u gudan doono si hufan oo waafaqsan nidaamka iyo sharciga u yaal baarlamanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa soo xiray munaasabadda, isagoo dardaaran u jeediyay baarlamanka dalka oo uu ka codsaday in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah islamarkaana meel mariyaan shuruucda horyaal baarlamanka oo uu xusay in ay muhiim u yihiin howlaha dowladda.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: