Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb Galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda Looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo bahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, ist-qancin iyo tanaasul maadaama und guud laga wada shaqeynayo.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta und leeh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulysato muddo xileedkeeda.
Maruu ka hadlayay siyaasaddda dowladda ee ku wajahan arrimaha dibadda ayuu Madaxweynuha yiri “waxaan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Sooomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dhisan wada shaqeyn, iskajashi iyo is-xurmayn.”
Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey biseylka siyaasadeed iyƶ hufnaanta ay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulaysato muddo xileedkeeda.
Waxaa kaloo uu ammaanay xildhibaannadii istaagay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, aqbalayna natiijadii codbixinta.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@homail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.