Xildhibaanada Golaha shacabka oo ansixiyay hab-maamuuska xeerka lagu aasaasay Baarlamanka midowga Afrika.

Kulanka golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir goddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C / ramaan ayaa lagu ansixiyey hab maamuska xeerka lagu aasaasay Baarlamaannada Midawga Afrika, kaas oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.

141-Mudane Ayaa Ogolaatay Xeerkan, Waxaana Ka Aamusay 3-Xildhibaan, Sidaas Ayuuna Ku Meel Maray, Sida Gudoonka Golaha Shacabku Sheegeen.

Xeerkan ayaa waxaa shalay ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Sooomaaliya, ka dib markiiuu horgeeyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: