Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeey oo Xariga ka jaray Xafiiskan Shirkada TOYOTA ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in ay qayb ka tahay maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya.
“Dowladda Siyaasaddeedu waa kobcinta dhaqaalaha marka TOYOTA oo kaliya ma ‘ahan kambaniyo badan oo waaweyn ayaa qadka ku soo jira, waxaan ku rajo weynahay wachs soo saarka Sooomaaliya in suuqyo banan la geeyo iyo wadamada Dariska ah” ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in Xafiiska TOYOTA uusan ku ekaan doonin Muqdisho balse uu gaari doono Dhammaan Gobollada Dalka, waxuuna tilmaamay in Gaadiidka ugu badan ee dalka laga isticmaalo uu yahay kuwa ay soo saarto shirkadda TOYOTA , waxaana lagu soo gadan jiray buu yiri si aad u liidato, iyadoo uu sheegay in ay soo mari jireen ilaa seddex gacan, sida iyadoo Japan lagu soo isticmaalay, hadana Imaaraadka lagu soo isticmaalay, uu ugu dambeyn dalku imaan jiray balse hadda waa ay ka badalantahay oo waxaa la heli doonaa iyagoo cusub ayuu shaaciyay Wasiir Maareeye.
.
Ugu dambetenti Wasiirku waxaa uu sheegay in einem wadaan in alaabaha Soomaaliya loo iib geeyo suuqyada cala malka halka maanta Soomaaliya wachs loo soo iibgeeyo.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.