Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axted Max’ed Islam Ayaa Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Kismaayo Ayadoo Garoonka Diyaaradeha Ay Kusoo Dhaweeyeen Madax Ka Tirsan Jubaland, Ururada Bulshada Rayidka Ah Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Kismaayo.
Soo Dhaweynta Maanta Oo Ahayd Mid ka Badalan Kuwii Hore, Ayaa Waxaa Garouka Isugu Tagay Boqollaal Qof Oo Ka Koobnaa Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada, Kuwaa Oo Sitay Boarar Ay Ku Xardhanaayeen Sawirrada Madaxweynaha Jubaland, Astaanta Qaranka Iyo Calanka Dowlad Goboleedka Jubaland.
Madaxweyne Axmed Max’ed Islam oo soo Dhaweyn kadib shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay kamid yihiin xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubaland, arrinta fatahaadaha, khilaafka dalalka Khaliijka iyo arimo kale.
SomaliSwiss Kismaayo
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.