Madaxweynaha Jabuuti oo maanta la kulmay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xafiiskiisa madxtooyada looga arrimiyo dalka Jabuuti waxaa uu ku qaabilay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Madaxweyne Geelle iyo taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo dawhr ah oo quseeya Amaanka dalka Soomaaliya io sida dowladda jabuuti uga qeybqaadan karto gacan ku siinta ciidamada Booliiska Soomaliyed sugida nabad-galyada.

Madaxweyne Geelle oo amaanay kaalinta ciidamada Booliisku und ku leeyihiin sugida Amniga ayaa balanqaaday in dowladdiisu sii wadi doont tababarada und siiso ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Geelle sida uu mar walba und barbartaagan yahay dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa oo joogay taliyaha ciidamada Booliiska dalka Jabuuti G / sare Cabdullaahi Cabdi Faarax.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: