Magaaladda Abuja ee Dalka Nigeria, Ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyey shir Weyne socday muddo seddex Maalin ah, Kaasi oo dhaxeeyey u Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dawladda Mareykanka, waxaana Soomaaliya shirkaasi UGA qeyb Galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye gaas C / wali Jaamac Gorod.
Shirka, ayaa inti uu socday waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Talisyadaasi, siddii ay isku dhaafsan lahaayte qibradaha, tababarada dhanka ciidanka iyo arrimo kale.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye GaaÅŸ C / Wali Jaamac Gorod, Ayaa Intiuuuu sugnaa Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa kulmo gooni gooni ah waxa uu la yeeshay Madax ay ka mid yihiin Kaaliye ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Afrika Botschafterin Stephanie S. Sullivan Iyo Taliye Ku Xiggeenka Taliska Mareykanka ee Africom.
Madaxda labada dhinac, ayaa kawada hadlay arrimo ay ka mid ahaayen Taageeridda Ciidamada Xoogga Dalka, kordhinta Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab, siddii looga Caawin lahaa dawladda Soomaaliya Dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wanaajinta Xiriirka Milatary ee ka dhaxeea Soomaaliya iyo Mareykanka.
SomaliSwiss       Abuja
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.