Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Anwar Maxamed

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeea Soomaliya, isagoo soo hadal qaaday in heshiiskii Dekada Berbera uu ku yimid ist faham dhex maray dowladdii hore ee Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Anwar Qarqaash la hadlay BBC-da laanteeda afka Carabiga ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin Midnimada Soomaliya, isagoo caddeeyay in aanay Wachs xiriir ah la laheyn Somaliland, isla markaana Qunsuliyad iyo Safarad midna ku laheen.

“Arrinta Déceda Berbera Waxay ist ein Fahaday-Tag, der auf dem Yeelaneynay dowladiii hore ee Soomaaliya ist, ist Famadas Waxay Ahaayen Kuko Cad Cad, Waxay Hoos Imaanayeen Tagearada Soomaaliya Oo Midah, Innaga Qunsuliyad Kuma Lihin Somaliland, Safaradana Kuma Lihin, Xiriirna Lama Lihin, iskaba daayee waxaa kaalin fududeyn ka qaadanay inaan kulamo u qabano madaxda Soomaalida, waxay ku kulmeen Dubai, Abu Dhabi, haddii aaqoonsanahay siyaasadda Soomaali Mitte ah, in aysan naga reebeyn inaan ka shaqeyno dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka sameyno “ayuu Yiri Anwar Qarqash.

Maruu ka hadlayay wada hadalada lagu xalinayo khilaafka diblomaasiyadeed ayuu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay wada hadal furan oo aan qol xiran aheyn.

“Haddii qof ku kalameynayay 20 illaa 25 sano ay Wachs idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa, ma ahan inaad qabsato diyaarad ay saaran yihiin 47 askari Imaraad ah oo ciidamada tababaraya oo ku dhowaad 10 milyan dollar ciidan wixii ku baxayay siday oo aad go ‘ aan kaas qaadato ooaad arrinta dhahdo, waxaa ku xalineynaa qol xiran, maya sidaas howsha kuma dhamaaneyso waa in arrintaas cadaataa “ayuu yiri Anwar Qarqash.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo wada hadalo lagu xalinayo mad madowga labada dal soo kala dhex galay iyo arrintii dhacday 8-dii bishan ee lagu xayiray diyaarad ka diwaangashaneyd Imaraadka Carabeta, isla markaana Ciudamada Amniga Soomaaliya la wareedeen lacag gaareysay 9.6 milyan.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaraadka Carabta ayaa sii xumaanayay, waxaana Imaaraadka ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen howshii tababarada ay ka wadeen Soomaaliya, iyagoo und KMG ah u joojiyay shaqadii Isbua ay ku lahayayeen magaalada Muqdisho, kaasoo maalin walba bukaan socotada siinayay daawo.

SomaliSwiss Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: