Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhaawaaqay maanta in uu yahay musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyihi Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mao 15 maalmood ah.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay codkooda suiyaan siuu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada aj jirto Dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday olole Doorasho oo qaara ka Mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ay uu jiraan sidii und raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo Horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Ayaa asna shalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoumiyaha Golaha Shacabka.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.