Warbaahinta Dalka Mareykanka Ayaa Sheegtay in Agaasimaha CIA Mike Pompeo uu si Qarsoodi ah Ku Tagay Kuuriyada Waqooyi Horraantii Sanadkan, Islamarkana uu Wadahadalo Toos ah la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
Ujeedada socdaalkan  ayaa la sheegay in looga gol lahaa in wadada loogu sii xaaro kulan wayne lagu wado in uu dhexmaro hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyii iyo Madaxwayne Trump.
Sidoo kale Warkan ayaa soo baxay mar la qabanayay wadahadalo ku saabsan Kuuriyada Waqooyi oo dhexmaray Mr Trump iyo rai’sul wasaaraha Japan Shinzo Abe.
Toddobaad ka dib Saraakiisha aqalka cad ayaa waxay sheegeen in ay si toos ah u xaqiijiyeen in hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi uu diyaar u yahay in wada-xajood uu ka galo suurtagalnimada in uu ka talabaxo hubkiisa Niyukleerka.
Dhanka kale waxaa horay u jirtay in Xurguf xoogan u dhaxeyso Dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka taas oo ka-dhalatay in Kuuriyada Waqooyi sameysaneyso quwada Niyukleerka.
SomaaliSwiss Washinton
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.