Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al Sissi ayaa uga mahad-celiyay taagerada joogtada ah ee ay dowladda Masar la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.
Madaxwynaha ayaa Sheegay in Soomaaliya adkeyn donto xiriirka soo jirenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
Madaxweyne Farmaajo Ayaa Marka Hore UGU Hambalyeeyay Madaxweyne Sisi Guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimi ee Dhawaan ka Dhacday Masar, Wuxuuna caddeeyay in soo laabashadisu ay gacan wey ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.
Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa sheegay in Masar ay diyaar und tahay in ay gacan ku siiso Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo guul la taaban karo ee ay dowladda Federaalku ku tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.
Labada Madaxweyne Ayaa Isha Wareystay Arrimo Badan Oo Khuseeya Labada Dal Oo Ay Kamid Tahay Tallaabooyinka Wachs Ku Ool Ah ee Aa Qaadday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ee Dhinacyada Amniga Iyo Horumarinta Dhakaala.
SomaaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.