Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay Weheliyaan abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanud, Taliyaha Ciidanka Asluuba S / Guud Bashirir Maxamed Jaamac (B.Goobe) Iyo Saraakil Kale Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Kuliyadda Jaalle Siyaad Oo AY Xarun u Tahay Cidanka Burundi ee Qaybta ka ah Howl-Galka Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa cutub ka Mitte ah ciidanka AMISOM ee Burundi salaan sharaf ka qatay, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay wakiilka midowga Afarica ee Somalia Mr.Francisco Jose Maderia iyo saraakiisha ciidanka Burundi ee saldhiga und ah kuliyada Jaalle Siyaad, madaxweynaha ayaa ka xog Waraystay Xaalada Xerada Iyo Dadaalada Ciidanka Burundi und Wadaan Kaasoo Ku Aadan Howlgalka Dowladdu Ku Cirib Tirajso Argagaxisada Al Shabab.
Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Mr.Maderia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu yahay masuul ay ka go’an tahay dhismaha ciidan xooggan uu dalka yesesho iyo in lasoo afjaro koaxda Al-Shabaab, wuxuuna tusale usoo qaatay sida uu sou guuray wasaadda Gaashaandhigga oo mudooyinkii danbe Ku Shaqaynayay.
Kulaka marka uu soo idlaaday Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay kuliyada Jaale Siyaad, wuxuuna ku amaanay ciidanka AMISOM sday xilli kasta ugu heelan yihiin dowladda ine ku garab süyaan sidii Al-Shabaab loogu adkaan lahaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dib uu laabtay Wasaradda Gaashaandhigga oo und saaka dib uga bilaabay shaqo maalmeedkiisii.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.