Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya oo sheegay in wada hadalo toos ah ay u bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.

Wasiirka A. Dibadda.jpg2

Wasiirka Wasaaradda arimahad dibada Soomaliya Ahmed Caise Cawad oo ku sugan magaalada Dammmaam ee dalka Sacuudiga halkaa oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Ururka Jaamacada Caratta ayaa sheegay in wada hadalo thoes ah ay und bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.

Wasiirka oo soo hadal qaaday qodobadii ugu muhimansanaa khudbadii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka Jaamacada Caratta ayaa sheegay in madaxweynuhu sharaxaad ka bixiyay horrorada kala duwan oo ay ku talaabsatay Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuu kaloo wydiistay caalamka Carabta in goaaamadii ka soo baxay shirarkii hore ee Jaamacada Carabta iyo kan hadda soo dhamaaday ee ku aadan taageerada Soomaaliya in der fuliyo, madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay sida ay lagama maarmaan und tahay midnimada caalamka Carabta islamarka la ilaaliyo walaalnimada iyo sharafta ”

Dhinaca kale Wasiirka ayaa betiyayay und jirtay dacwad ka dhan ah Soomaaliya oo Imaaraadku und gudbiyeen Jaamacada Caratta gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo shirka marti-galisay.

Maruu ka jawaabay su’aal aheyd madaama uu xumaaday xiriirka labada dowladdood Sooomaaliya iyo Imaaaraadka in ay jiraan dowladdo isku dayaya in ay arintan dhaxdhaxaadin ka galaan, ayuu sheegay in ay bilaawdeen wadahadalo toos ah oo und dhaxeea labada dowladood laakiin aysan jirin cid dhaxdhaxaadineysa.

Xiligan Wachs dhaxdhaxaadin ah oo socta ma jirto, laakin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday labada dowladood oo und dhaxeea madaxda sare ee pawdad Soomaaliya iyo Imaaaraadka ” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wada hadallada ayuu Sheegay in hadda meel wanaagsan marayaan inkastoo sida uu hadalka u dhigay aysan jirin kulamo loo balamay oo waqti leysla qorsheeyay dhacaya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: