Shirkii Jaamacadda Carabta ee ka Dhacay Magaalaa Dammaam ee dalka Sacuudiga intiuu socday, waxaa dhinac socda dadaalagu dhex dhexaadinayay dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa mugdiga soo kala dhex galay labada dowladood.
Diblomaasiyiin ka socday Labada dowladood iyo Jaamacadda Carabta Ayaa dhowr mar kulmay waxa ayna isla falanqeeyeen sidii loo dhammeyn lahaa xiisadda taagan, Dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in ay soo dhaweynayso WADA xaajood Walba oo lagu dhammeynayo ist Faham Waaga, iyada oo la ilaalinayo madaxbanaanida lana xushmeynayo xiriirka Labada Wadan, Sida ay SONNA und Xaqiijiyeen Diflomaasiyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaliya
Garwadeenada wada hadalka ee ka socday Jaamacada carabta ayaa sheegay in horumar fiican sameeyay wada hadalka, labada dhinacna ay muujiyeen isu soo dhowaasho, waxayna u ballameen fadhiyo kale und soo afjaro xiisadda labada dowladood ka dhex taagan.
War-saxaafadeed ay horrey usoo saaray Wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaliya ayaa lagu caddeeyey sida Sooomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya Imaaaraadka iyo in Soomaaliya ay diyaar und tahay in meesha laga saaro ist afgaran waaaga labada dhinac.
Dowladda Soomaaliya sidoo kale waxa ay in xiriir soo jireen ah ay la leedahay Imaaaraadka ayna muhiim tahay in ui sii jiro xiriirkaas, maadaama labada dal wadaagaan iskaashi dhinaca ganacsiga ah sidoo kalana ay ka dhexeeyaan dano badan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.