Dowladda Imaaraadka oo sheegtay in ay gabi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya.

 Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay in ay gabi ahaanba joojisay tababarkii und siin jirtay ciidamada dowladda Soomaliya ee ka socday xeryaha ay ku lahayayin gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa 2014-kii Soomaaliya und soo dreckay Tababarayaal Ciidan, kuwaasi oo tan io xilligan tababaro kala duwan iyo qalab Millitari ku taageerayay ciidamada Qaranka Soomaaliya und dagaal adag kula jira ururka Al-shabaab.

Sababta uu Imaaraadka und joojiyay Barnaamijyadii Tababareed ee Soomaaliya ayaa Wakaaladdda ka soo baxda dalkaasi ee WAM waxa ay ku sheegtay inay kaga jawaabeyso lacagtii 9.6 Milyan aheyd ee ciidanka Sirdoonka Soomaaliya und garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen 8-dii bishan.

“Imaraadka Carabta ayaa go’aansaday in ay tirtiraan barnaamijkooda tababarka Millatari ee Soomaaliya oo bilowday 2014-ka si loo dhiso awooda Ciidamada Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Shabaab,” ayaa lagu yiri warka lagu soo daabacay Wakaaladda WAM.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay horay u tababartay 2407 Askari oo ay bixiyaan mushaarkooda, sidoo kale waxay gacanta ku hayeen Saddex xero tababar iyo xarumo kaafimaad oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland.

Xisada und Dhexeeya labadan dal ayaa kor und kacday tan iyo markii xukuumadda Soomaliya ay cambaareeysay qorshaha Imaraadka ay ku dhisayaan saldhig Millatari und Yualla degaanada Somaliland.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: