Wasiirka Arimaha dibada dowlada Federalka Soomaaliyae Axtmed Ciise Cawad ayaa maanta kula kulmay Dalka Boqortooyada Sacuudiga Xog-hahaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Abul Qeyd.
Kulanka labada mas’uul ayaa la sheegay in looga hadlayay horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.
Mudane Axmed Caise Cawad Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axtmed Abul Qeyd warbixin ka siiyey xaaladhii ugu dambeeyey ee Soomaaliya.
Mudane Ahmed Abul Qeyd xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiia bogaadiyy horumarada iyo dadaalada ay wado Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxuuna intaasi ku in Jaamacadda Carabta ay mar walib garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana und gacan ka geysaneyso dib usoo celinta nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya .
Ururka Jaamacadda Carabta Ayaa Shaaciyay in Si Gaar ah Hay’adaha Amaanka Soomaaliya Lagala Shaqeyn Doon Dhinaca Sugidda Amaanka Iyagoona Sidoo Grünkohl Sheegay in Deeq Bixiyeyaasha Caalamiga ah ay Kala Hadli Doonaan Sidii gar Gaar Loo Gaarsiin Soomaaliya.
Dhanka kale Ururka Jaamacadda Caratta ayaa balan qaaday in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya und Kala shaqeyn Doonaan Dhinaca Doorashooyinka islamarkaana kormeerayaaal ka socda Ururka Jaamacadda Carabta imaan Doonaan Soomaaliya.
SomaliSwiss  Damaam
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.