Guddoomiye Maxamed Sheekh Jawaari oo shaaca ka qaaday in is casilaadiisa uu u arkay danaha qaranka iyo badbaadada Golaha Shacabka.

Kulanka Guud ee golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C / wali Sheekh Ibraahim Muudey Ayaa UGU horeyn waxaa khudbadiisa dhiibista xilka Guddoomiyanimo ee Golaha Shacabka ka jeediyay Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Uga mahad celiyay guud ahaan Shacabka Soomaliyed warenkui wadanimo oo ay muujiyeen, waxanaa uu si rasmi ah xilkii Guddomiyanimo ugu celiyay Golaha oo uu maanta hor tagay.

Gudddoiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Ayaa Sheegay in Dhowr Sababood Oo Uu U Arkay Danahan Qaranka Iyö Badaadada Golah Shacabka Ai Keentay Inuu Ka Tanaasulo Xilkii Guddoomiyenimo ee Golaha Shacabka.

Waxa uu mahad celin bolburan und jeediyay xildhibaanada Golaha Shacabka, Waxaana sidoo kale wuxuu kula dar hallo in ay iskaaliyaan Wax walba oo sababaya burburka Golaha Iyo in Lagu xad gudbo.

Sidoo kale xildhibaanada Golaha ayuu kula dar daarmay in xilka uu isaga baneeyay ee Guddoumiyanimo ee Golaha ay und doortaan qof ka shaqeyn kara horumarka iyo Midnimada Golaha.

Gauddoiye Jawari Waxa in Sheegay Inaanu Waxba ka Jirin Warar Tanja Iyo Markii Uu Isagu ist Casilay Lagu Qorayay Baraha Bulshada Oo Ah Inuu Lacag Ku Qaaatay ist Casilaadiisa Isagoo Tilmaamay Inaanu Waxba Ka Jirin Wararkaasi.

Uga Dambeyn Waxa Uu Sheegay Guddoomiyihi Golaha Shacabka Inuusan Golaha Meelna Uga Socon Islamarka Ka Xildhibaan Ahaan Uu Ka Shaqeyn Doono Horumarka Iyo Midnimada Dowladnimad Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyihi Golaha Shacabka ee JFS ayaa markii ugu horeysay xilka Guddoumiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo doortay 28-ki Agosto sanadkii 2012-ki isagoo ahaa ilaa dhamaadkii 2016-ki, waxaana mar kale 11-kii Bishii Januray sanadii 2017-ki loo Doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka EE JFS.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sida uu qabo xeer hoosaadka Golah Shacabka mudo 15-maalin ah oo ka bilaabaneysa maalinta uu gudoomiyaha iscasiladiisa Golaha ka hor sheego oo maanta ah kusoo dooranaya Gudoomiye Cusub.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: