Kulankii maanta la filayay inay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka oo Khilaaf ka dhashay qabsoomidiisa.

Warar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada ay isku khilaafsan yihiin qabsoomida kulankii maanta loo balansanaa ee Golaha Shacabka, kaddib fariimmo iska soo horjeeda oo xalay loo kala diray xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta oo qorshuhu ahaa in uu hortago guddoomayaha xilka ka degay Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id oo wada jir ay u qabteen maalintii shalay isaga iyo madaxweynaha ka hor sheegay in maanta uu Arbaco ah si rasmi ah is casilaadiisa uga hor dhawaaqi doono xildhibaannada Golaha Shacabka khudbadna u jeedin doono.

Laakiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibaraahim Muudeey oo xalay fariimmo u kala diray xildhibaannada ayaa u sheegay in uusan jirin wax kulan oo ay yeelanayaan maanta oo Arbaco ah, halka sidoo kale ay jirtay fariin kale oo ay xildhibaannadu helaan oo lagu wargalinayo in ay ka soo qeybgallaan kulanka maanta.

Fariimahan iska hor imanaya ee xildhibaannada loo kala diray ayaa shaki badan laga muujiyaan, waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in xildhibaannadii markii horeba mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ka biyo-diidan yihiin in ay dhageystaan khudbada Jawaari, iyaga oo ku doodaya mar haddii uu is casilay in wixii hadda ka danbeeya yahay xildhibaan ka tirsan Golaha sidaa daraadeed aysan jirin sabab uu khudbad ugu jeediyo xildhibaannada.

Prof Jawaari ayaa shirkiisii jaraa’id ee shalay ka sheegay in is casilaadiisa si rasmi ah uu ugu dhawaaqi doono marka uu maanta hortago fadhiga Golaha Shacabka, taasoo macnaheedu noqonayo in uu wali sii yahay guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa uu khudbadiisa sagootinta ah ka hor jeedinayo kulanka xildhibaannada.

Wararkii ugu danbeeyay oo Hiiraan Online heshay ayaa sheegaya in uu gabi ahaanba uu baaqday kulankii maanta oo Arbaco ah ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss             Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: