Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari oo maanta shir jaraa’id wada qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya….

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kuu bogaadiyey Guddoumiye Jawaari, tanaasulka u sameeyey iyo go’aanka shuruud la’aanta ah ee uu u Qaatay Danta Dalka.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha xilka ka iska casilay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dar daarmay in uu sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya.

“Waxaan ku dhiirrlinginayaa Mudane Jawaari inuu halbiisa kasii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan qabyo tirka Dastuurka, waxanaana dowladda iyo shacabkaba ka filayaan talo bixin iyo toosin joogta ah.”

Madaxweyne Farmaajo Ayaa Uga Mahadceliyei Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, muddadii dheerayed und sooo shaqeeyay dalka io waqtiga uu ku bixiyey dowladnimada.

Dhanka kale, Madaxweynaha, Ayaa Faray, Xukuumadda, Ay Sii Labo Laabdo Dadaalkeeda, Maadaama Ay Horyaallaan Hawlo Culus Oo Ay Ka mid Yihiin Sugidda Amniga Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka.

Sidoo kale, Baarlmaanka waxa uu Jeediyey in ay Dardar Geliyaan Meel marinta Hindi sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay ee ahmiyadda u leh howlaha dowladda iyo in ay kor joogteeyaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaauuga baaqay dhammaan shacabka Soomaliyed in ay garab istaagaan dowladdooda, ayna la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiiijiyo nabadgalyada.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss²hotmail.com

%d bloggers like this: