Kulankii ugu horreeyay ayaa lagu qabtay shalay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay kaga dhawaaqday guddi la xiriir hay’adaha Qarammada Midoobay iyo Beesha Caalamka.
Guddida Qaramada Midoobey iyo beesha caalamka ayaa la sheegay in ay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan, si loo horumariyo istiraatiiyiyadaha suuragalka ay tahay inay u gogol xarto raadraacidda fulinta qorshayaasha horumar ee sagu xoojinayo maqaamka Soomaliya iyo waxa shacabkeedu hantiyay.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay leedahay barnaamijyo horumarineed oo muujinaya muuqaalka dhaqaale, siyaasad iyo Bulsho oo ka qeyb ah istiraatiijiyad ee hirgeliya HAB dhamaystiran oo Wachs ku ool ah ee koritaanka joogtada ah, TAAs oo wadada u xaareysa, xoojinaysana xiriirka Soomaaliya Kala dhexeeya dalalka Kala Duwan ee adduunka.
Guddigi xiriirka ee dalka martida luo yahay ayaa waxa uu ka kooban yahay sidatan:
1- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskajatiga Caalamiga (Martigeliye)
2- Wasaaradda Maaliyadda
3- Wasaaradda QorÅŸheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha
4- Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha
5 – Wasaaradda Amniga Gudaha
6- Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada
7- Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada Iyo Maareynta Masiibooyinka
8- Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – Wasiiru dowle
9 – Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha – Heer Agaasime Guud
10- Maamulka Gobolka Banaadir – Duqa Magalada / Heer Kuxigeen
11 – Xafiiska Madaxweynaha – heer lataliye
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss²hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.