Dhul ay leedahay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo maanta ku Dagaallamay Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyo hubeysan.

Ciidanka XDS.JPG2Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay dhulkii safaaradii hore ee Mareykanka oo tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii dowladda dhexe ay deegaansadeen qoysas Soomaaliyeed.

Rasaas culus oo ay isweydaarsanayeen dhinacyada dagaalamaya ayaa laga maqlayaa inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaallo dhimasho iyo dhawacba sababay horay uga dhaceen deegaanka oo dadku inta badan u garanayaan [Siliga Ameerican-ka]

Xaafadan uu dagaalku ka socdo ayaa u badan dhismayaal Jiingado ka sameysan oo u nugul rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayaan.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo saacadihii hore ee maanta biloowday, waxaana wali la maqlayaa dhawaqa rasaas culus.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in dagaalka uu ka billaabmay guryo la sheegay in la bur burinayay, waxaana saakay ciidamo hubeesan oo wata gaadiidka dagaalka tageen xaafado ku yaala meel ku dhaw Siligga Ameerikaanka.

CLama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan oo mudo daqiiqado ah socday,  waxaana ciidamo katirsan dowlada ay wadaan bur burin ay ku sameenayaan dhulka la isku heesto.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss²hotmail.com

%d bloggers like this: