Advertisements

Maxkamada sare ee Ciidamada oo maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay loogu Xukumay gacan ku dhiigle C/naasir Xoosh Maxamed.

Maxkamadda Sare Muqdisho.pngMaxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay danbiile gacan ku dhiigle Ex-Gaashaanle sare Xoogga dalka C/naasir Xoosh Maxamed ka dib markii lagu helay dilka Alle ha u naxariistee Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Liibaan Cali Yarow ayaa warbaahinta u akhriyay Xukunka.

“ Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay racfaanka Gaashaanle sare Xoogga dalka C/naasir Xoosh Maxamed oo ahaa taliyihii raxanta doomaha ciidamada Badda Xoogga dalka Soomaaliya,markii ay aragtay Xukunka Maxkamada darajada koowaad ciidamada Xoogga dalka ee soo baxay 20/2/2018-ka,oo ay ku xukuntay Gaashaanle sare Xoogga dalka Gaashaanle sare C/naasir Xoosh Maxamed dil toogasho ah.”

Wuxuuna Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Liibaan Cali Yarow sheegay in markii la dhageystay doodii dhinacyada xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida iyo qareenkii difaacayay rafcaanlaha Ex-Gaashaanle sare C/naasir Xoosh Maxamed inuu yahay danbiile galay danbigii lagu soo oogay,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ay ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida horay ugu xukuntay danbiile C/naasir Xoosh Maxamed oo ahaa xukun dil ah oo loogu qisaasayo dilkii uu u geystay Alle ha u naxariistee Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino).

C/naasir Xoosh Jabriil oo 54-sano jir ah oo ka warbixiyay garsoorka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa qirtay in Xabad ka dhacday Bastoolad uu watay madaxa ka haleeshay Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino),sidaasina u geeriyooday.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiSwiss^Hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: