Waxaa muuqanaya in hadda baadi goob loogu jiro sidii loo qaboojin lahaa xiisad siyaasadeed todobayadai ukan danbeeyayba ka dhax aloosneyd xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib guddiyo shalay loo saaray xal u helida khilaafka.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo xalay kulamo kala duwan waxaa uu la lahaa guddiyo ay iska soo dhax magacaabeen dhinacada isa soo horjeeda ee gobollaha Shacabka, waxanaana inta badan kulamadaasi looga wada hadlayay sidii wada hadal loogu dhameyn lahaa ist mari-waaga labada dhinac .
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay guddi ka socday xildhibaannada taabacsan guddoomiyahaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana uu kala hadlay madaxweynuhu habka ugu wanaagsan ee khilaafkan lu soo afjari karo.
Xildhibaannada waddahadalka ku matalayay guddoumiye Jawaari ayaa sheegay in ay soo jeediyeen in Dhameynta xiisadan loo maro habka sharcigu dhigayo oo ah in mooshinka laga galiyo Kabeljau qarsoodi ah, laga qabto goob lawu wada qanci karo oo ay beesha caalamkuna goob joog u tahay.
Sidoo Kale Waxaa Jura Kulamo Kale Oo Ka Dhacay Xarunta Villa Hargeysa Ou Guddiyadu Uga Wada Hadlayey in Wada Jir Loo Anbaqaado Arimaha Ku Saabsan Mooshinka, Iyadoo Meel Leyska Dhigayo Khilaafka Iyo Kala Aragti-Duwanaashaha Labada Dhinac Ee Iska Soo Horjeeda.
Xildhibaannada taageersan Prof Jawaari ayaa ku adkeysanaya haddii laga fursan waayo in cod la galiyo mooshinka dhinacooda ay doonayaan in codku noqdo mid qorsoodi ah oo aan gacan taag aheyn.
Madaxweynaha ayaa hadda ku howlan sidii loo mideyn lahaa aragtida xildhibaannada ee la xiriira mooshinka si wada jir looga gudbo is-mari-waaga jira.
Guddiyada labada dhinac ka kala socda qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in hadda wax xoogaa hormar ah laga sameynayo wada hadallada socda.
SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss²hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.