Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qeybo ka mid ah Bar-kontroollada ku yaalo Muqdisho, Abaal mariyayna Ciidankii Fashiliyay qaraxyadii shalay.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Isloow, Agaasimasha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay Xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan Ciidnka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka uu ku tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ai Ciidanka Nabad sugidda u fashiliyeen Laba qarax oo ay koaxda nabad -diidka Al-Shabaab la doonayin in ay ku gumadaada Shacabka iyo maatida Sooomaaliyeed ee aan waxba galabsan, kuna burburiyaan hantidooda.

Cidanka Nabad Sugidda Qaraxa Oo Hayay Xogta Ku Saabsan Qaraxyadii Shalay Gelinkii Dambe Ka Dhacay Muqdisho Ayaa Si Geesinimo Leh Ugu Hor Tagay, Iyagoo Mitte Ka Mitte der Weararradaasi La Damacsanaa Garoonka Diyaaradeha, Halkaasoo Ai Ciadanku Ku Toosteen Wadahii Gaariga Qaraxa Siday, Halka Kan Kalena AY Doonayeen Inay Ku Qarxiyaan Goobaha Ugu Mashquulka Badan Magaalada, Waxanay Ciidanka Nisa Ku Fashiliyeen Bar-Kontorool und Dhow Is-Goyska Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Mitte Mitte Gacan qaaday dhammaan Ciidankii ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada, wuxuuna taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu ho tagen Qaraxyadii lala damacsanaa in lagu wachs yeelleeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna Ra’iisul wasaarahuhu intaa ka dib guddoonsiiyay abaal marin Lakageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidanka maadama ay bad-baadiyeen Shacabka Soomaliyed ayna diyaar und yihiin difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Kheyr ayaa sidoo Grünkohl sheegay inay geesinimadooda badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed, isagoo Ciidanka Heulen-galkaasi ku guuleystay iyo taliyeyaashooduba sheegay inuu Salaan diirran iyo hambalyo baaxad leh kaga sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed C / Laahi Farmaajo.

Booqashada uu Ra’iisul wasaaraha dalka mudane; Xasan Cali Kheyre KU Booqday Cidanka Nabad Sugidda Qaranka Iyo Goobaha AY ka Howl-Galayaan Ayaa Qayb ka Ah Dhiirri Gelinta Iyo Garab Istaagga Ciidamada Iyo Inuu Gaarsiiyo Farriin ah Sida AY Madaxda Dalku und Garab Taagan Tahay hatte Iyo Goor Ciidamada Kala Duwan Ee Qaranka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss²Hotmail.com

%d bloggers like this: