Waxaa dib u dhac ku yimid kulan maanta oo Sabti ah lagu waday in ay yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka, kaddib markii waqti danbe ee xalay laamaha Amniga lagu wargaliyay in ay u diyaar-garoobaan kulanka golaha Shacabka islamarkaana sugaan Amniga.
Laakiin warar xili hore ee saakay soo baxay ayaa lagu war-galiyay xildhibaannada iyo laamaha Amniga intaba in uu dib u dhacay kulanka sababo aan la sheegin, hasse ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu wali jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya xildhibaannada iska soo horjeeda lagana baqay in mar kale kulankaasi qalalaase gallo.
Ilaa xalay waqti danbe magaalada Muqdisho waxaa ka soconayay kulamo gooni gooni ah oo ay lahaayeen, xildhibaanno, madaxda sare ee dalka iyo saraakiisha hay’addaha Amniga oo dhamaantood ku saleysnaa u diyaar-garoowga kulanka lagu waday in uu maanta qabsoomo.
Isku-socodka magaalada ayaa dib loo furay waxaana ay gadiidku isticmaalayaan waddada Maka Al-Mukaramaya iyo guud ahaanba jidadkii xirnaa saddexdii cisho ee la soo dhaafay inkastoo wali isgoysyada magaalada lagu arkayo ciidamo aad u foojigan oo sugaya Amniga.
Labo Qarax oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maalintii shalay ka kala dhacay Isgoysyada KM4 iyo Banaadir, kaddib markii ay ciidamadu ka hortageen gaadiid qaraxyo siday oo doonayay in ay xoog ku jiraan Bara- Koontarool oo ay ciidamadu ku lahaayeen labada Isgoys.
Dadka reer Muqdisho ayaa siweyn ugu dhagtaagaya halka uuĀ sal dhigan doono khilaafka muddaba soo jiitamayay ee ka dhashay mooshinka laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo wali siweyn uga biyo diidan sharci ahaanshaha mooshinka.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Muqdisho
SomaliSwiss²Hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.