Advertisements

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Jawaari oo maanta kulankaan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Ayaa kulankaan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo ay ka WADA hadleen xoojinta xiriirka Labada Wadan ee Soomaalieya iyo Turkiga iyo sidii dowladda u SII dar dar Gelin lahayed taagerada und Baarlamaanka Soomaaliya siiso.

Sidoo kale kulanka waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiinta Hay’adda TIKA oo hay’adda dib und diese ka sameyneysa Xarunta ku meel gaarka ah ah ael golaha shacabka.

Waxay aheyd 10-kii bishii Maarso ee sanadkan markii heshisis ku saabsan dhismaha xarunta golaha shacabka ay kala saxiixdeen guddoomiyahaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya, waxanaana dishmaha xarunta und soon doonaan mudo halsano ka yar.

Danjiraha Dowladda Turkiga und Fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar Ayaa Sheegay in Dowladda Turkiga ay mar walba diyaar und tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa uga mahad celiyay dowlada turkiga iyo hay’adda TIKA sida ay mar walba und garab taaganyihiin golaha shacabka gaar ahaan dhismaha hata ay ku sameynayaan xarunta golaha shacabka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss²Hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: