Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo maanta tegay Magaaladda Garoowe.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa maanta tegay Magaaladda Garoowe, waxaana ku weheliyay safarkiisa ku xigfeenka Maxkamdda sare iyo xubno Ka socday Hay’adaha garsoorka, garoonka diyaardahana waxaa ku soo dhoweeyey Guddoomiye ku xigeenka Maxkamada sare ee Dowlad Goboleedka Puntland, Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka, Laamaho Garsoorka, Saraakiil Ka Socotay Taliska Ciidanka Asluuba Iyo Xubno Ka Socda Jaamacadaha Garoowe.

Soo dhawayn ka dib, ayaa waxaa Guddoomiyaha Maxakamada sare ee Soomaaliaya iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyay Gudaha Magaaladda, halkaasi oo ay Kula hadleen Warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Guddoumiye ku xigeenka Maxakamada sare ee Dowlad goboleedka Puntland ahna sii hayaha Guddoomiyaha Maxakamada, Mudane Nuur Ciise, ayaa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha iyo xubnihiisaba Puntland, sheegayna inay ku faraxsan yihiin imaanshahoda.

Dr Ibraahim Iidle Sulayamaan, Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Dalka, Ayaa Ugu Haraynba Ka Mahad Celiyey Soo Dhowayntna Magaaladdda Garoowe Loogu Sameeyay, Siina Raaciyay Hadalkiisa in Safarkoodu qeyb Ka yahay Safaro ay Ku Marayaan Maamulada Dalka, Kuwaasi Oo Loogu Kuur Galayo Howlaha Garsoor ee Dalka.

Safarkan Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka, ayaa noqonaya kiiuu horeeyay eeuuu yimaado Puntland tan io inti xilkaaani loo soo magacaabay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: