Khilaafka Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo u muuqday mid sii kordhaya wixii ka danbeeyay Sabtidii aynu soo dhaafnay kaddib Markii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib u dhigay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada iska soo horjeeda, Ayaa mar kaliya saacadihii ugu danbeeyay ee maanta cirka isku Shareray.Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari Oo Shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay la saftay mid kamid ah dhinacyada is haya.
Eedeynta guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ah mid culus marka Dhinac laga Eego, una Muuqata mid Meesha Ka Saartay Waan-Waan Kasta oo ay Suurtagal Aheyd in Arintan Lagu Dhameeyo.
Maalinta Berri ah oo ay taarikhdu ku beegan tahay 04 April 2018 ayeey mar kale xildhibaannadu u balansan yihiin kulan aan wax badan ka duwaneyn kii sabtidii aynu soo dhaafnay uu madaxweynuhu is hor taagayay, waxaana la filayaa hadii uu kulankani qabsoomo in halkaa ay isugu tagaan Labo Garab oo Kala Wata Labo Ajande.
Xildhibaannada taageersan mooshinka ka dhanka ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay fariin ka heleen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey oo sida ay hadalka u dhigeen ku wargeliyay in Ajandaha kaliya ee maalinta Berri ah uu noqon doono mooshinka ka yaala Baarlamaanka Guddoumiye Jawaari.
Dhinaca kale marka la eego xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka ayaa iyaguna sheegay in ay heleen fariin lagu wargalinayo in kulanka maalinta Berri ah looga doodi doono xaalada degmada Beled-Xaawo.
Ist Gaashaanbuursiga Xildhibaannada Dhaxdooda ah ayeey dad Badan Shaki ka muujinayaan Suurtagalnimada in Kulanka maalinta Berri Ah sida uu kunoqon Karo mid si degan ku Dhaca, Maadaama Dhinac Walba Uu Ku adkeysanayo in sharci ahaan ay tahay in uu Goluhu uu ka dooddo Ajandayaasha xuduuda iyo khilaafkaba.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.