Duqeymo ka dhacday dulleedka magaalada Kismaayo oo la sheegay inayku dhintay dad rayid ah.

Diyaarad dagaalWararenka imanaya deegaan lagu magacaabo Kaamjiroon oo 25km Dhinaca Galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ayaa Sheegaya in Duqeyn shalaya ka Dhacday ay ku dhinteen saddex Ruux oo rayid ah halka Afar ruux kalana ay ku dhaawacmeen dadakan oo dhamaantood ka soo jeeda hal Qoys.

Dadka Dhaawacmay Ayaa la Sheegay in La Geeyay Isbitaalka Magaalada Ksimaayo, Waxayna Ai Isugu Jireen Hooyo, Laba Caruur und Oo Ay Dhashay Iyo Nin Da’ah.

Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya kana soo jeeda Jubbaada hoose ayaa kambaareeyay duqeynta isaga oo sheegay in uusan garaneynin sabab klo beegsaday dadka rayidka ah.

“Duqeynta waxay ka dhacday duleedka Magaalada Kismaayo, Vater shacab ah ayaa lagu laayay, sida aad aradeen dhaawacooda waxaa la keenay Isbitaalka magaalada Kismaayo, duqeymaha dadka lagu leynayo Weg soo bateen guddiga difaaca Baarlamaanka ayaan kala hadli donaa, und du bist yimaado isla xisaabtan” ayuu ku yiri wareysu uu siiyay VOA-da.

Diyaaradaha dagaalka ayaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ay ku fuliyaan duqeymo ay la eeftan fariisamaha Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka, balse mararka qaar ayaa waxaa dhacda in heulgalkooda ay khasare ku gaarsiiyaan dadka shacabka ah.

SomaaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: