Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Aqalka D / Hoose ayaa maanta laguer furay codsiyo ku saabsanaa Qandaraas dayactire ee xafiisyo loogu adeegi doono dadweynaha ku nool ilaa 6 degmo oo kala ah; (Xamarweyne, Shangani, Shibis, Bondhere, Wartanabadda iyo Cabdicasis).
Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha G / Benaadir ahna Duqa Muqdiso Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow), Ku xigeenka Duqa Magaalada ee Dhaka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyaaasha Degmooyinka ka faa’iideysanaya dhismahan, Wakiilada shirkadaha ku tartamaya qandaraaska iyo qaar ka Mitte ah Agaasima waaxyada D / Hoose.
Barnaamjikan ayaa und jeedkiisa yahay in lawu daadajiyo adeegyada ay bixiso dawladda hoose sida Shatiyada Ganacsiga, Shahadooyinka Dhalashada, Fasaxa dismooyinka iyo qaadista canshuuraha guryaya IWM ee Degmooyinka Gobolka, waxa uu sahli doonaa mashruucaani muwaadiniinta in ay si fudud oo dhawasha leh ay ku helaan adeegyadaasi sidoo kalane ay meesha ka baxaan caqabadihii ka imaan jiray waqtiga iyo hanaanka lagu helo adeegyada dadweyanha.
Duqa Muqdisho Eng. Yarisow oo si rasmi ah u furay munaasabadda ayaa amaanay hanaanka daahfurnaanta iyo xirfadda leh ee uu soo bilaawday tartanka isagoo hoosta ka xariiqay in Dawladda wähle ay mar walba ka go’antahay daadajinta adeegyada loona yeelo tayo dadkuna ay si cadaalad und wada helaan adeegyadaaasi. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Dawladda wähle ay si xoog leh ula dagaalayso dhaqanada xun-xun ee dhaka shaqada sida wachs isadaba marinta ka dhalan karta bixinta adeegyada dadweynaha.
Eng. Yarisow waxa uu intaa raaciyay in Dawladda Hoose ay talaab sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walaba oo ka mid ah shaqaalaha ee ku kacda falal sharciga io habraacyada shaqada ka soo horjeeda io sidoo kale cid walba oo gacan ku siisa howlahaasi.
Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa und saari doonto guddi gaara aha ea ka shaqeeya howsha qiimaynta iyo goaan ka gaarista qandaraaslaha ku guuleesta tartankaani sida ay cadeeysay D / Hoose iyadoo lagu soo gababgabayn doono ilaa dhamaadka usbuacani taasoo ku aadan 6 da April, 2018.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.