Ciidamada Ammaanka oo Xalay Muqdisho ku qabtay maandooriye iyo hub si sharci darro ah loo haystay.

Ciidamada Ammaanka ayaa xalay Howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, waxayna howlgalkaas ku soo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo ka Mid ah Xashiish, kadib markii ay ka war heleen guriga lagu diyaarinayay maandooriyahaasi.

Muddadii uu howlgalkaasi socday ayaa Sidoo kale Cidamadu Waxa ay soo qabteen Laba Qori io Laba Bastoolad, Kuwaasi und sharci daro ah Loogu heystay gudaha degmada, Kuwaasi oo sagu dhibaatayn jiray dadka shacabka ah.

Goobta Howlgalkaasi ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa waxaa markii dambe tagay Guddoumiye ku-xigeenka Koowaad ee dhanka siyaasadda iyo amniga Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Maxamed Tuulax iyo Saraakil ka tirsan ciidamada amaanka, Iyagoo u kuurgalayay sida uhacay howlgalkaasi qorsheysnaa.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku tilmaamay Howlgalkaasi in uu ahaa Mid qoorsheysan, islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Howlgalada ayaa ah kuwo jookto ah, iyadoo sidoo kale shalay ay hay’adaha ammaanka dowladda Soomaliya ay dekeda Muqdisho ku qabteen Maandooriyaal badeeco ahaan loogu iibgeyn rabay Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: