Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrinta xuduudda labada Waddan.

Somalia iyo KenyaWasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma ayaa ka wada hadlay xiriirka is-kaashi ee ladaba dal iyo xaaladda xuduudda labada waddan ee Mandheere iyo Beled Xaawo.

Somalia iyo Kenya.jpg1Kulanka labada Wasiir waxaa ku wehlinayay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ahna qunsulka guud ee Safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) iyo diblomaasiyiin ka tirsan labada dal.

Wasiirrada ayaa isla gartay fulinta go’aanka Madaxweynayaasha labada dal ee ah in xaaladda Beled Xaawo iyo Mandheera loo maro guddi farsamo oo ka kooban Maamullada Gobollada Gedo iyo Mandheera, kuwaas oo kulamo ku yeelan doona labada magaalo si ay isula meel dhigaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.

Somalia iyo Kenya.jpg2Sidoo kale, Labada Wasiir ayaa isku raacay in shirka xiga ee Guddiga wada-jirka ah ee labada dal lagu qabto Degmada Mandheera sida ugu dhaqsiyaha badan, halkaas oo looga hadli doono xallinta arrinta xuduudda iyo iskaashiga labada dal.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay tababarro caafimaad, maamul iyo macallimiin ay siin doonaan Soomaaliya, taas oo la billaabi doono bisha September ee sanadkan.

SomaliSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: