Wasiiru Dowlaha Arrimaha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya

Safiirka ImaaraatWasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya SE Herr Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi Ayaa Maanta Xafiiskisa Ku Qaabilay Safirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya SE Herr Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Safiirka Imaaraat.jpg1Intii kulanku sofa waxaa looga wada hadday dawr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiiska sharci darada ah ee dhexmaray mamulka somaliland iyo shirkadda dp world ee la xiriira dekedda soomaliyeed ee berbera io arimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubkeeda madax baananida iyo midnimada dhuleed ee soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in Wachs loo dhimo Madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda Qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro.

Dhankiisa, Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda UGA go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda Madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa, isagoo sheegay laga maarmaanshaha SII joogteynta ISKU duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal, kaas oo hubinaja horumarka xiriirka Soomaali iyo Imaaraat.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: