Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Muritaaniya u fadhin doono Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waraqaha Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda Muritaaniya ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Wadaadi Walad Sayid.

Danjire Wadaadi Ayaa Madaxweyne Farmaajo und Gudbiyay Salaan Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalka Muritaaniya Mudane Maxamed Walad Cabdul Casiis, Isaga Oo Intaa Ku Daray in Dowladda Murataaniya Uu Ahmiyad Gaar ah und Leeyahay xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa farriin uu diray Safirka Muritaaniya ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalkaas Mudane; Maxamed Walad Cabdicasis io Dowladisaba sida ay diyaarka uu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaliya, isagoona rajeeyy in xiriirkan uu asaas u noqdo iska Dumpladisaba buuxa oo dhex mara labada Dal.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: