Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Kula kulmay Saraakiisha dhalinyarada ee loo magacaabay hoggaanada ciidanka militariga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay ku shaqeynayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana uu dib u habeyn iyo is bedel uu ku sameeyay hoggaanada ciidamada.
Kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Saraakiisha dhalinyarada ee lagu soo tababaray dalka dibaddiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen Cabdiwali Jaamac Gorod.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyay kartida iyo dadaalka Saraakiisha dhalinyarada, waxaana uu ku booriyay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo difaaca dalka.
Madaxweynaha ayaa is bedel ku sameeyay hoggaanka talisyada ciidamada xoogga dalka oo ahaa illaa 22 hoggaan, waxaana uu ku soo koobay 13 hoggaan oo ay qeyb ka yihiin Saraakiisha dhalinyarada.
 SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.